labadii cishiqiga
barshada cabira
cogashada kalgacal
calmashada gaya
usoo caano dhamay

cisi sharaf gobeed
ixtiraam ku culan
is cabsiiyaybaa
calafku ku simay
caawa inay aqal galaan

casiisbaan baryaa
curad wiilal iyo
gabdho ciidashiyo
caruur eeba ay
idinku caawiyoo
caano iyo nabad
caadilkay idin sii

laba cudud mid iyo
caqli wada jira iyo
kalsoonida calool
ku casuumaybaa
cosob isla tegay

cisha maalin qudha
kuwa kala cadhoon
isku camalsanoo
cadawgood u maqal
cimrigii noqdaa

Exit mobile version