dhabeel loo heelanyahay
lamaane nolol wada dhistiyo
labada loo dheelayow

caruus loo wada dhanyoo
qoyskaanu ku dhaadanoow

kalgacalkiinaa dhaboobabay
RAXMAAN ka ilaali dheeli

dhabaad isu jeceshihiine
RABOW yaydaan dhantaalmin

dharaar weeyaan aduunkuye

dhexdiina awlaad ka hela

labada isu dhaartayee
jacaylka is dhaafsadee
tacabka u dhaqaaqayow

hoybaad dhidibada u taagteen
dhaliil iyo ceeb lahayn

Exit mobile version