Go’ay caashaqa kaligaa
Ku galay. Qof kula galay
Axdi misane gabay
Anna way iga go’antahay

Iyaduna gurmooyday
Qalbigii sad gooyoo
Gurmad caashaq may noqon

Caashaq guyaaliyo
Waa goof dhankeedoo
Iyo bishmaha guudkoo
Iyo been go’lagudaday

Garna, weli kamaan helin
Waxaan guudka saarta
Eed aan weli galin
Waana raali galiyaa
Bal inaan lakala go’in

Inakstooy gaf badantahay
Hadakeedu go’danyahay
Meel ug’ooyo daranyahay
Gudashana ubadanyahy

Ma jiraan waxaan galay
Ee waa ha igu garan
Ka daldalo xaqiiqda
Jaceylkii goobood galay
Ilayn waa gumaysiyee
Waxaan Nin gacan galay
oo cadaawo loo dhigay

Exit mobile version