bayaan uma arag
bidhaanta ishoo
dushaan ka barto
dhagtaa bogotee
adaa ku barbaaray
bayd wacan sahraay
amarka boqorkiyo
buuxiya faralka
burjiga dadnimaad]
ku bisheedabtoo
basarka dumarkaad
bilicda dheertay
dadaalka ku baano
baylahda noloshoo
wakhtiga badankiisa
baxnaano rajee
libintana beegsoo
badhaadhe ku waaar

afkiy bishmahaa
runtay bartayoo
bariida qudhaad
dabciga u bogtaa
xidigta baladkee
horjag baxsanleey
sidii budhcad subag
basaasta u tirtaay
bilada quruxdee
indhuhu bixiyaan
dadkaa boqol jeer
u siiyay badheedh
dadaalka ku baano
baylahda noloshoo
libtana beegsoo
badhaadhe ku waar
ibintana beegsoo
barwaaqo ku waar

Exit mobile version