sidii biyo dahab bildhaan quruxeey
baryahanoo dhan waan ku baafinayee
bagaa caawa la isku soo baxay xamdaay

intaan u badhaadhayeen baqayee
baxasanow aragaaga waan u bukee
bilkhayr waaba la isku soo baxay
bk waa la isu soo baxay

indhihii kuu basaasaybaa bogsadee
naftii baholyawday baahi baxdee
bilaneey farxad ii bushaaree
xamdaay farxad ii bushaaree

beerkiyo wadnihii balbali jirayee
ka baanoo jacayl dhibkuu badayoo
maxaa inoo balana bal ii qabo
maxamadow balan bal ii qabo

bil iyo bilo iyo sanad kuma bixnaanin karee
baraan kaa maqnaan hadaan u batee
bandhiga farxadeena biliga leh
bahdoo dhan ugu bushaaree

jacaylkii ka beermay barashadee
mar hore biyo dhigay wadnaha bidixee
sowkan baryo samo la soo baxay
xamdaay sawkani baryo samo la soo baxay

ayaan barakaysanbuu la bishee
bartaan rabayeen u baahnaa
sowkaa burjigiisu beegsaday
bk burjigiisu beegsaday

baxsaneey bidixda iyo midigta
mar walba isu baahanbaynu nee
hankan ku boqraday ha baylihin
xamdaay ku boqraday ha baylihin

ma baydh baydho beena ma aqaane
aniga barbarkayga ha u baqane
bilaahi calayk murtida bogo
maxamadow walaal murtida bogo

Exit mobile version