VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta boqol dhaan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

boqol dhaan

kala dhaw afkoo laga dhihiyo
wuu i dheefsadaye e
kala dheer qofkuu soo dhibiyo
ruux ka dhoohaniye
kala dhilan xusuusuhu
siday kuugu dhagayaane
nafta waad ku dheertahayee

dareemada la dhaadee
wadnaha dhiiga wada raacaa
dhud qudhaa la moodaa dushee
kala dhuda weeyaanee

xiisiuhuna waa dheelka
amase dhedo arooryaade
mar hadaanu dhaadhicin
cishqugu waa iska dhalanteede

dhawrsanaba noloshii
in badan aan u dhololayee
alleylahe hadii ay dhan tahay
dhalatay guushiiyee
midigtaada ii dhiib
qalbiga waad dhakhtarise

dhinacaaga waa giijisoo
dheeli gali waayee
boqol dhaan inaa tahay
dadkaa qiray dhamaantoode
midigtaada ii dhiib
inbadan dhawrayoo sugaye

waxaa tahay qof dhaayuhu rabaan
una dhawaadaane
markii aan ku dheehdaa
wax badan dhoosha ka qoslaaye
dhaawacaygu waa
gabadh kalood dhinaca saartaaye
dhimashada horteed hayga tagin

dhedig ahaanshahaadiyo
xishood dhuunka lagu dhaabay
dhalaalka quruxdaa
dheeman baa la mooda dushee
dhalaal laguu siiyee

ma ilaaawo dhaqankii gobeed
dhaaxo iyo goore
dharaaro adaa i smaray
oo wakhtigu soo yar dheeliye

dhawrsanaba noloshii
in badan u dhololayee
alleylahe hadii ay dhantahay
dhalatay guushiiyee
midigtaada ii dhiib
qalbiga waad dhakhtarisee

dhinacaaga waa giijisoo
dheeli gali waaye
boqol dhaan inaa tahay
dadkaa qiray dhamaane
midigtaada ii dhiib
in badan dhawrayoo sugaye

codkii Mohamed Bk