dhafar iyo jacayl
cilnibaa u dhintoo
cagafbaa dhabtii
ku dhawaaday halistee
dheel lagu cayaariyo
hadaad mooday dhalanteed
dhagar qabaha weeyaan
aadmiga dhameeyee
dhagahyga maqalkiyo
dhaayaahaan wax ku arkiyo
dhiigaygiyeey
caashaqa ha dhiibin
ha dhaawicin wadnaha
ee hawsha ila dhamee

kii dhaba jacayl
waa loo dhinta
ruuxuu dhaawaco
dhakhso uma kacaayee
siduu ii dhufsaday ani
haduu kuu dhex dagi laa
ama kugu ma dhaafaanne
waan kula dhadhamin laa
dhagahayga maqalkiyo
dhaayahaan wax ku arkiyo
dhiigeygiyeey
cashaqa ha dhibine
ha dhaawicin wadnaha
ee hawsha ila dhamee

Exit mobile version