Cidla kaagama tagin
Kugumana ciyaarinee
Calafkaa sidaa yiri
Inakala cidleeyee

Carabka iyo ilkuhu
Wax ‘??
Carshigaa wax ugu qoran

Waxba ha icalaameen
Ha igu qaban calooshee
Caadilkaa ku kaalmeen
Cashaday ahaataba
Calafkaaga waa heli

Kuma badin cidhiidhiyo
Calmashada ma diidinee
Nasiibkaa cidleeyo
Waydeeyay caashaqa

Cagta meesha saartiyo
Cunaha waxa kuu mara
Calafkaa xukumayee

Waxba ha icalaameen
Ha igu qaban calooshee
Caadilkaa ku kaalmeen
Cashaday ahaataba
Calafkaaga waa heli

Exit mobile version