Calafkoo iskeen bado
Ceesh laygu kaa daro
Cosob iyo dhul baadlaan
Cagahaaga dhigi lahaa

Cisi iyo wanaag baan
Kugu caawin lahaayo
Cilmi baan ku bari lahaa
Caashaqu waxuu yahay

Ma ciyaree dhugo
Sidaad igu culustiyo
Inaan wada cabeenaa
Sidee ii cajabin lahayd

Wajigaagag ciil iyo
Cadho kuma abuureen
Hadalaad ka cabatiyo
Cawooy kuma idhaahdeen

Talo maan canaadeen
Caqligaaga keenoo
Kumaan caasiyeen abid
Hadaad qaado calankee

Ma ciyaree dhugo
Sidaad igu culustiyo
Inaan wada cabeenaa
Sidee ii cajabin lahayd.

Exit mobile version