Dhashii nabiyada xumeeyay
Dhibtiyo nabarada u gaystay
Ka dhiidhiyay ruux wanaagsani
Dadkana jecel dhaawacoda
Aduunka kamay dhamaan
Dharaarba qofbaa ku nooloo
Dheeftiisuba xumaan ka tahay

Ha noqon ruuxaa ku dhiiran
Inuu ruux kale dhantaalo

Dhulkiyo noloshana u joog
Dhaliisha inaad raadine
Taaduun ku dhawrsanayn
Ceebaha dadkana ha dheehanine

Dadbaa oogada dhamaysa
Waliba dharar iyo laxaadle
Hadana garashada dhalaana
Dhawaaqiyo weedha fiican
Dadbaan dhagahoogu maqal
Dadbaan ka dhinayn xiskoo
Hadana sharaf dhawrsanayn

Waxaad dhigatiyo qofkaad tahay
Taariikhdaa hada kaa dhab sheegi

Exit mobile version