kugu qoraay cindiga kali
kugu sooray caashaqa
kuu culay hankaygoo
nafta kugu casuumee kow dhe

cadceedii timaadiyo
casha noolba aadmiga
ciladaha kalgacal laba dhe
casharbay baraayaan

carshiga waxa kuugu qoran
kuugu yaal
cid kale lama siinayee
waxba ha is caloolyayn
cisibaan ku raacshee sadex dhe

cakuye waa caadadiiye
nasiibku inaanu celin
wuxuu calaf kuu qoree
cishqiga cafiyoo ilow baayo

ceeblaay caashaqu
waa ciqaabe ha igu caayin

Exit mobile version