Qofbaad kaligii dadkaba
Adigu daacad aad utahay
Intaa udadaalaysoo
Daryeelkiisiyo naftaba
Siduu udul mari lahaa
Da'dii udhaafi layd
Hawliyo ugu daashay ficil
Intaa isguna diliyo
Xadhkiyo dabin laabyoo
Ku maqan dibin daabyadaa
Muxuu caqli durugsaniyo
Damiir raganimo ifaray
Kusii dar wanaaga oo
Udiid dayac iyo xumaan
Dadaalka jacayl xumaa
Muxuu daba joog intaa
Dulqaad samir igu yidhoo
Duruusaha nacas ibaray
Dantiisa qofaan aqoon
Udhimo doqon waa kadeed
Waatii dabka lala rabee
Iyada lala damacsanaa
Waliba doontay xaabadii

Exit mobile version