duruufuhu way dhacaan
waqtigu waa is daba maraa
adoo daranyaysan sharaf
ku dhimo magac iyo dadnimo

ha durin ruuxnaba bulshada
qof dagan ha ka dagin marnaba
dadaal nin ku dheer ha qarin
dantaadana gaadh ka hay

deeqaha RABIBAA baxsheee
ta kalena DAAIMKAA u daa
qof diidan hormarkaa
xaasidku waa darajadaa
adiga daacaaduun
adigu daacaduun
adigu daacaduun ahaw

qalbiga la iskama dunshee
kashaada ha barin duliga
adoo dilanbaa afkiyo
dibnaha qosol lagu khasbaa

dulqaadka adoon ka tagin
marbaa dirir laga xigaa
cagaha inuu kula dul maro
dhigaa kugu dayo xumaan

Exit mobile version