rugtii dhaqankiyo
rugtii dhaantada
dhambaal iyo hees
amaan ku dhigee
ha dheeliyinee
dhisnoow fiiqeey
inay dhagax buur
dhul gobeed tahay
anon dhaaya saarin
dhantaan ka maqlee
shabeele dhulkay
nimcada dheertahay
shiniiliyo kala dheer
abaaro dhacoo
dhibicu kama qaado
dharaar kaliyee
caanaha maka dhamay
xoolihii ku dhaqnaa
barwaaqo dhulkii
illaah dhigayee
bartii lagu dhaqay
kuwaan dhalshiyo
kolay dhaqan tahay
ii xigay dhiiga i xigay
alloow dhibaato
waxyeesha ka dhawr

jigjiga dhab ahaan
wataa dhisantee
ruuxii ku dhaqmiyo
ruuxii ku dhashaa
nasiibka wax dheer
dhamaan nolaha
liibaan dhagaxiyo
dhadhaabaha ifayoo
markaad dheehataab a
dhabtii dahaboo
macdan ta laysku dhaafaa
dhulkaa ku jirtee ddsi
taariikh dhigan bay
wardheer dhaxashoo
llugtaa darabkii
ku dhaashatayoo
wabiyo dhawraa
dhex qaada dhaafee
dhiilkii nimcadaa
qoraxay ku dhanoo
dhexdeeda shidaal
allaa dhigayoo
hablaha lagu dhaato
qoraxaybay
qabridaharay ku dhasheen
barwaaqo dhulkii
illaah dhigay iyo
bartii lagu dhaqay
kuwian dhalshiyo
kolay dhaqan tahay
dhiiga ii xigay
alloow dhibaato
waxyeesha ka dhawr

Exit mobile version