dharaartii socodka badan
dhulkaan hoos u eegaya
dhawaysadaa iigu xidhan
habeenkii dhaxanta qabaw
banaanka adaa i dhigay
dhaqaaq joogsiga i biday

dhexdeena wali ma hubo
cishqigu inuu kugu dhacoo
sidayda u dhaawac tahay
jacayl iga dhaariyoo
dhababaan kuugu yeedhaya
dhaqmadbaan kaa rabaa
dhankaagana ha i dayacin

ayaan dhaw iyo mid dheer
waxay dhagi maqashiyo
waxay dhaayuhu arkaan
dhulkeena hablaha ku nool
hadii qurux loo bandhigo
dhamaan adigaaa ugu wacan

naf iyo dhiigiyo is dhaxal
intaba aan is dhaafsanoo
wadnaha isu dhiibanee

Exit mobile version