VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhayalsaday - Lyrics

Dartee dhaawacaad mudatiyo Dhibaato waxii ku gaaray Intaan kaa dhayo xaqiiqdii Hadaan kaa dhaadan waayo Ala sidaad waayaha dhankaada Dharaar ugu wiici wayday Inaan rajo kuu dhabeeyo Hadaa ugu dhiiran waayo Dheeftiyo waayaha jacaylka Hadaan kugu soo dhaweenin Anaa dhayalsaday xagayga Dhaxaan fikir iyo dadaal Alla dhankayga usoo hurtee Intaan tacabkaaga dhowro Hadaan kugu dhaadan waayo JAcayl dhaxalkiisu raago Intaan udubkiisa taago Sidaad cashar ii dhigeeso Hadaan ku dhagaysan waayo Dheeftiyo waayaha jacaylka Hadaan kugu soo dhaweenin Anaa dhayalsaday xagayga
Queue is empty
-- / --