dhakafaar abwaankii
jacayl dhiig ku qorayoo
sow dhemantaydii sow dheemantaydii
anba dhuux umaan shubin
dhuuxayga umaan shubin

laba dhaxal ku murantaa
dhalashada ilaawee
laba dhaqan wadaagoo
kalgacayl dhexyaalaa
miyay kala dhaqaaqaan

dhoomaha xareediyo
sida dhool hilaacaan
ku dhuganayaa

kuma dhaafi karayoo
dhamayseey aduunyada
adaan kaa dhuganayaa

hadaad sida aad igu dheertahay hoooo
hadaad adna iigu dhawdahay hooooo
hadaa sow dhogorta geeliyo hooooo
halo kaama bixiyeen

dhaawacaad kalgacalkii
boodhari u jiifsaday
sow dhabano haysiyo
ana dhaar imuu marin

hadaad gaari noqotaa
ninka raga u dhigantoo
dhaxdin kula cawaysoo
dhaayahaaga quruxdiyo
dhabankaaga oo qudha

dhanbalkay uunbaa
waxa dhaygag ii dilay
dhabtaan aad ku ababtiyo
dhawrsanaanta sharaftiyo
dhaqankaaga weeyaan
dhabeel gaari dumareey

hadaad sida aad igu dheertahay hoooo
hadaad adna iigu dhawdahay hooooo
hadaa sow dhogorta geeliyo hooooo
halo kaama bixiyeen

Exit mobile version