Dheemantii haweenkaay
dhararteynu kulaanaa
dharkii aad xidhneydiyo
dhalaalkiyo hilaacii
naftu dhayga qaadee.

timahaaga dheeree
dhinacyada ka dagayiyo
nala soo hangiyo.
markii aan ku dheehdaba
jaceyl igu dhamaadaa
i qaada dhigayeee
igu soo dhawaw
dhabta kaaliy ugu qabo
abid aan ku dhawartee.

Markii aan ku dheehdaba
jaceyl igu dhamaadaa
i qaada dhigayeee
igu soo dhawaw
dhabta kaalay igu qabo
macan aan ku dhawartee.

Daw soo hilaaciyo
cadeed dhaba la moodyee
qoraxdoo dharartii
aduunyada dhamaanteed
dhulka nuur ka siisa
Dhanka kastoo la eegaba
ilaah baa dhigay qurux
uuna kuu dhameeyey.
Markii aan ku dheehdaba
jaceyl igu dhamaadaa
i qaada dhigayeee
macaan igu soo dhawaw
dhabta kaalay igu qabo
abid aan ku dhawartee

Exit mobile version