Dhibaatada adduunkiyo
Dhaawaca jacaylkaba
Waa loo dhibtoodaaa

Hadduu dhiigga raacana
dhayal ha u maleynine
Dhaayihii jacaylkaa
Iga dhab weeye caashaqu

Hadduu dhuuxa gaarana
Dhagar weeye xaalkuye
Dhudugaan jeclaayee
Iga dhab weeeye caashaqu

Dheehaaga quruxdiyo
Dhaqankaaga wacaneey
Dhabtii qaaya weeyaan

Dhammaan waaxyahaygiyo
Qalbigaad dhex qaaddayoo
Haddii aanan kuuba dhiman
Waan kaa dhursugayaa

Hadduu dhuuxa gaarana
Dhagar weeye xaalkuye
Dhudugaan jeclaayee
Iga dhab weeeye caashaqu

Exit mobile version