VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhulka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Bk
Dhulka

Dunidani. Dhamaadkiyo
Gabal dhacay. Istaagtaye
Dhidibkay ku joogtiyo
Xarku galaxy dhigteedii
Dheeli bay ku curatoo
Markaad dhinac ka awdaba
Dhankalaa banaanoo
Qab yaday la dhalatayee
Qofkaad wax dheer tahay
Waxa jira inkaa dhiman oo
Loo dhamays tiray

Laba dhagax hadaad tahay
Nin dhexdoodka soon baxay
Raga nimada dheerada
Ruux ku dhaaf sanbaa jira
Ha is odhan ninmuu dhalan
Ruux kuu dhigmoo
Dhulka waxa kugu la nool
Nin hortaa adoon dhalan
Dhibka dunida soon maray
Maalmaha dhanaaniyo
Waqtiyada is dhalan Roga
Casharkooda. Soon dhamay
Marna dhamac ku joogsaday
Marna dabin na loo dhigay
Marna dhaxan dabayshaday
Nin dharaara soon jiray
Ways arag dhamays Tiran
Dhulka. Meelo farabadan
Cagihiisa. Soo dhigay
Ha ku noqon dhalaankii
Walid kii dhalmada baray
Ha udhigin talaabada
Sidii anad dhimanayn
Dharaa raha cirkuu da,o
Hadii dhiilka buuxiyo
Dharaguun la gamatahay
Waxa dhaadaysaan jirin
Waa dhaliilo badatee
dhulka soco. In kugu filan

codkii Mohamed Bk