Anoo damal wax hagariyo
Cirkoo dayax kala goday
Donaayay taan rabay
Mar uun idalaacay

Duhur baan ku soo baxay
Dagmadaan ubaahnaa

Anoo daalay socodkoo
Diiftii jacaylkiyo
Dihaal usoo maraan
Cirku dacal ka soo galay

Dadku kala dun fiicanee
Inan qurxda daymada
Daa’uus la moodyaa
Dooqayga noqotee

Udayoobay awgaa
Doga dheer usoo maray

Anoo daalay socodkoo
Diiftii jacaylkiyo
Diihaal usoo maraan
Cirku dacal ka soo golay

Exit mobile version