qalbiyadan is doortee
dookhiyo kalgacalka
isugu deeqay sharaftow
waan idiin ducaynee
daadihiya qoys wacan

caawa dadab galkiinee
jacaylkiinan darayga ah
jacaylkiina darayga ah
dadaalkiinan midho dhalay
danbarkiisa maaloo
noqda uliyo diirkeed

diinteena dharafta leh
dhaqankeena dahabka ah
qoys lagaga daydoo
loo duceeyay ahaada

deeq weeyi ubadkuye harimaadee
awlaad dalkoodiyo harimaadee
diintana anfaca dhala harimaatee
abshir abshir abshir
abshir ducada aamiin

dugsi lama huraaniyo
waa daryeelka noloshoo
deeq weeyi guurkuye
lamaanahan is doortow
raas khayrle wada daga

caashaqa dulqaadkiyo
daacadnimo ku koriyoo
deel qaaf ka wada jira
DAAIM ha idin galo

Exit mobile version