faayahaaga quruxdaleh
indhahayga fiirshaa
faaleeyay oo yidhi
waa filkii suleekhee
fad hilaacayaad tahay

jacayl igu fogaadiyo
xubi sida faleebada
xididada ku faafow
waad igu filnaatee
farxad igula noolow

labadii is fahantee
hadaa fiid loo ciyaaray
ubad diinta fidiyiyo
hadaa firi suuban dhala
aakhiro fardawsiyo
fooqyadii janada dega
faxanuhu inaga yeel

fariimaha codkaaga
qalbigayga firayoo
fiidkiyo aroortii
nafta kula faqaysoo
adaan kugu fakarayaa

hablaha tii fariidee
foolaada bilic dheer
kugu feedhanaysee
filkaagoo gayaanaa
dookh halyay ku faanaaa

Exit mobile version