hir kaliil hilaacaay
hadhac diifta reebaay
hiilkii jacaylkaay
qaryadii haweenkaay
hoodiyo ayaanley
haybad iyo hanaanley
hooshaar haldhaaleey
muqqal hilaacley
hogoshiyo xishoodlay
goortaan is hananaa
janadii ifkaba helay hoodo

fadad sagal hagoogtaay
nalka haga naftaydaay
hanku xabag barsheeduu
mudo haybinaayaay
hirashiyo xilqaadleey
haye sami dulqaadleey
hida sami gobaadleey
hasaawe malableey
garashiyo hubsiimaleey
goortaan is hananaa
janadii ifkaba helay

Exit mobile version