nafyahay caashaqu ka gaday qof kale caqligeediiyee
xusuus ku casuumanee cidlada wehel moodasaay
ha caban waxaan kugu idhi ha caban ilmada ceshobaan
ku idhi laabtana culaybaan caawana tasho
wakhtigu wuu cararayaayee jacayl loocaal helayn
ka jar kaba goo calooshoo nolosha cusub soo dhawe
nafyahay caalwaan ha noqon nasiibkana ha u cadhoon
haduu calaf kaa ceshaday cudoon way tagtee ilow

Exit mobile version