Dhibaatada Aduunyada
Dhaawaca jaceylkana,
Waa loo dhibtoodaa

Hadduu dhiiga raacana
Dhayal ha umalayninee
Dhaayahii jaceylkaa
Iga dhab weeye Caashaqu

Hadduu Dhuuxu gaarana
Dhagar weeye xaalkuye
Dhudadaan jeclaayee
Iga dhab weeye Caashaqu

Dheehaaga quruxdiyo
Dhaqankaaga wacanee
Runtii qaali weeyaan

Dhama waxyeehaygiyoo
Qalbigaad dhaxqaadoo
Hadii aanan kugu dhiman
Waan kaa dhursigayaa

Hadduu Dhuuxu gaarana
Dhagar weeye xaalkuye
Dhudadaan jeclaayee
Iga dhab weeye Caashaqu

Exit mobile version