istaahileey ilwaadeey
edabtiyo aqoontuu
alle kugu manaystoo
aynigaa ku dhaaftee
inta kula filkiyo
asaagaa hablaha kacay
adigaa u horeeyoo
hogaankaad u haysaa
ifka waxaan ku ladaya
inta aad wehel iyo
ii tahay naf igu ladhan

uuumiyaha dhamaantood
waad ugu ildheertoo
aragiyo garaadkana
eebaa ku siyay
isma lihi aduunyada
inanbaa la barbardhigi
oo qiimo dheeraan
intay quruxi leedahay
ifka waxaan ku ladayaa
intaa ad weheliyo
ii tahay naf igu ladhan

Exit mobile version