Jacayl uu wadkii galay
Goblamoo kalkii dhacay
Godlo waaye oo guray
Maxaa guudka ii suray

Mar hadduu qofkii galay
Wacadkii guboo guday
Maxaa aniga ii gubay
Maxaa ruuxi igaarsiray
Go’ee aniga ii diray

Nafta ruux ka gaabsaday
Galbadoo igees maray
Haddii aan ugo’i jiray
Maanta waan ka go’ayaa

Gabalkii midduu dhacay
Guunuu xalkii dhumay
Gaban waaye oo diray
Miyaa gooni ii dagay

Mar hadaan jacayl galay
Qalbigiii ugogol dhigay
Maxuu aniga ii guday
Maxuu geedka iisuray
Anoo
Anigoo ugogol dhigay

Nafta ruux ka gaabsaday
Galbadoo igees maray
Haddii aan ugo’i jiray
Maanta waan ka go’ayaa

Exit mobile version