VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylka ma ku dhigna - Lyrics

Jacaylka ma kuu dhigaa Dhiigayga ma kugu habaa Dhaydiisa ma kuu lisaa Halbawlaha ma soo dhuraa Dareenka ma dheefiyaa Xinjiro ma u dhaamiyaa Xubiga ma u dhiidhinaa Dhitada ma u dhaadhacnaa Quluubta ma wada dhaynaa Axdiga dhidibada ma u dhisnaa Dhuuxeenana ma qaybsanaa Dhalaan ma barbaarinaa Dhaayaha ma ku doogsanaayoo Nolosha ma isu dhaaranaa Nasteexa ma kugu dhaqaa Aroos ma ku dhiirana Raaskeena ma wada dhisnaa Rajada ma dhabaysanaa Dhaliil ma ka baajinaa Farxada ma ku dhaygagnas Niyada waad ku dheertahoo Xiskaa dhadhan kugu hayee Dhamaystira ma ii ahaan
Queue is empty
-- / --