Jacayloow qof kuu dhiban
Jiradaada la il daran
Joogi waayay awgaa
Xubigaagu jilib dhigay
La jibaaday awgaa
Jiraagu dhaawacay

Waadh la jiifin karayoo
Jajabkiisa lagu dhayo
Jacayloow ma leedahay

Jacayloow sirtaadiyo
Sida tamashadaa tahay
Dadka ruuxa jaahili
Ha qol lagu jiheeyiyo
Jaamacad wax lagu baro
Jacayloow ma leedahay

Exit mobile version