Kaskiyo kaa saaray maanka
Kalgacal hanku kuuma qabo
Oo keydkii kuma lihid qalpiga

Kaligeey caashaqaan qabiyoo
Kurbadii laga goo wadnaha
Kolkuu kaalintaadii waayay

Kootadaa naftaa kuugu xiray
Kal hore adiga kasbanee
Kaaftoon qalbigaad rabtee
Ka kac kuma sama luladuye
Kobtan hurda lagu gam'iye

Kadliyo oradkii karaystay
Korkaaga jacayl ikeena
Oo kaabaan heli
Kugu illaaawo

Kulligood hablahoo dhaniyo
Koonkaa cid kudoorsan maayo
Kashaad gabtaybee bogsiisay

Kootadaa naftaa kuugu xiray
Kal hore adiga kasbanee
Kaaftoon qalbigaad rabtee
Ka kac kuma sama luladuye
Kobtan hurda lagu gam'ine

Exit mobile version