Heesta Kuma jirtid xiskayga - Lyrics
Xad malaha caashaqa
Ama xeer'ilaaliye
Dadka kala xukumayoo
Runta kala xaqsiiyee
kol hadaad Xaqaagi
ka xumeesa xaajada
Anna xariga waa furay
Ku xernaa dhaxdeenee
Kuma jirtid xiskaygii
Baryo kuu xalnaayee
Xiisahaaga tabi jiray
Xanuun weeye caashaqu
Mar hadaad xoqtiisiyo
Xiriirkiisu oo lumo
Xalna aadna haynin weli
Xilkasnimadii waayee
Adigaa xabaalo
wanaageenii xoorayee
Ka dheeraw xageega
Kuma jirtid xiskaygii
Baryo kuu xalnaayee
Xiisahaaga tabi jiray