1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Xad malaha caashaqa
Ama xeer’ilaaliye
Dadka kala xukumayoo
Runta kala xaqsiiyee
kol hadaad Xaqaagi
ka xumeesa xaajada
Anna xariga waa furay
Ku xernaa dhaxdeenee
Kuma jirtid xiskaygii
Baryo kuu xalnaayee
Xiisahaaga tabi jiray
Xanuun weeye caashaqu
Mar hadaad xoqtiisiyo
Xiriirkiisu oo lumo
Xalna aadna haynin weli
Xilkasnimadii waayee
Adigaa xabaalo
wanaageenii xoorayee
Ka dheeraw xageega
Kuma jirtid xiskaygii
Baryo kuu xalnaayee
Xiisahaaga tabi jiray