ruuxay meeli bugtaa
ka kaluu u muhdaaye
marwadaan ifka oo dhan
haween aan uga maagay
cidladuun miraanayay
maqalkeed ku kobcaayay
miciinkii wadnahaygaa
muda aan anigu filanaayay
mawlaheen ha ku daayee
miyirkaa ku salaamay

mudanoow aragaaga
waxaan kuugu masaalay
ubixii iyo magoolka
midhiiisa bislaaday
malabkiina da,aayo
naftu muudso i leedahay
miciinkii wadnahaygoow
mudo aan anigu filanyoow
mawlaeen haku daayee
miyirkaa ku salaamay

mulaygaa timahaaga
miskaahagaba dhaafay
macaankaa indhahaaga
muunadaa quruxdaada
macbuudkeen ku siiyay
muxibooy gam,i waayay
miciinkii wadnahaygaay
mudo aan anigu filanaayay
mawlaheen ha ku daayee
miyirkaa ku salaamay

mudaan kala maqnaynee
muuqaagana raadshee
milicdiiyo habeen dama
meeraystay awgaa
illaahbaa mahadaa leh
maanta aan wada joogno
miciinkii wadnahaygaa
mudo aan anigu filanaayoow
mawlaheen ha ku daayee
miyirka ku salaamee

Exit mobile version