mar waa taad hagogataa
aqoonbaad magansataa
halba miiyi ku nool
magaaliyo debad shishaba
midhoodii baa tahoo
milgaan cidi kula sinnayn
magacaad dhawrataa
mudnaanta u yeelatoo
mulki nuuraad u tahay
maamuus iyo sharaf wanaag

meel joogaaga haboon
quruxbaad mahadisaa
markaad laafyaha furtee
socodka mushaaxaysaa
indhuhu milicsaga kalgacal
madeexaan eegmmadee
magacaad dhawrataa
mudnaanta u yeelatoo
mulki nuuraad u tahay
maamuus iyo sharaf wanaag

Exit mobile version