cidla lama amaanoo
cuub looma heesee
muna caynkad aad tahay
la cajiibay aniguye
xaramkoo la ciidiyo
carafay arlada timid
cisay kuba barbaartayoo
waligeed ma caasiyin
hadal maba celcelisoo
dadku kama cadhoodaan
carabkeedu waa nabad
ceeb laguuma heli karo
cadrad qaaliyaad tahay
cisaad sharafta dheer tahay
curad dharsan baa tahay

cawa daranta fiidkii
dhulka cidhif ilaa cidhif
iyadoo cadceed jirin
cawayskii iftiimtaye
xaramkoo la ciidiyo
carafay arlada timid
cisay kuba barbaartayoo
waligeed ma caasiyin
hadal maba celcelisoo
dadku kama cadhoodaan
carabkeedu waa nabad
ceeb laguuma heli karo
cadrad qaaliyaad tahay
cisaad sharafta dheertahay
curad dhawrsan baa tahay

Exit mobile version