anigoo raxmaay
kalgacyl rasmiya
rubada iyo qalbiga
kugu ridrida
sida ramaska geel
kuu raadiyoo
raadkaaga rugaa

hadii aad rug kale
u riyaaqdayoo
midha raarta yaal
aad ka roortayoo
rubuc geed ku taal
maankaagu rabo

ala naf ku raacdaybaan
kaa reebaya
kala raysana
isu soo rugtaa
rabibaan wanaag
ka rajaynayaa

anigoo ramxaay
reer inaan dhisniyo
rays iyo nimciyo
kula raadiyo
raran iyo kulayl
kuu maro rafaad
raxma aad heshidee

hadii aad rug kale
u riyaaqdayoo
midha raarta yaal
aad ka roortayoo
rubuc geed ku taal
maankaagu rabo

ala naf ku raacdaybaan
kaa reebaya
kala raysana
isu soo rugtaa
rabibaan wanaag
ka rajaynayaa

Exit mobile version