jacayl waa qadiimiyoo
qarnigii kastee jira
waa laga qadariyaa

qalbigaygu tuu rabay
daymadaydu qaaday
waabay qab wayntoo
igu qaadh warkaygu

markaan qamar xasuustaba
qarka noo dhaxeeyiyo
quruxdeeda gaarka ah
qalbigaan ka ooyaa

hadaan qeexo sheekada
qaxariyo dhibaatada
dookhaygii qaabilay
qarni way ka badantee

hadii aan qisoodoo
arin igu qadhaadhiyo
dib u qaado caashaqan

marbaan qiiro dheeriyo
riyo aan qorshaystiyo
hami aan qaaayoo
amaanteeda qaadaa

Exit mobile version