wax la yidhi su aashiyo
si xun wax u tilmaamiyo
sixirka waa ka daranyahay

saaxiibku waa guul
marna waa sad kuu yaal
marna waa sababtaa

sakatiga colaadiyo
calanyahayaw sideedaba
ninka sayma kuu galay
sooryadiisu waa maxay

sahashiga aduunkiyo
salfudayd uma dhalan
sahamahana kamaan tagin

sooyaalka waayuhu
samadayda muu jabin
saranseerna ima helin

sawracaygu waa kuma
sinjigaygu waa maxay
si kaleeto hay baran
qaran sahankii ban ahay

Exit mobile version