Qayrkaa kama waayin qaaradahe
Adaa qarqarada wadnaha qabsadoo
Qalbiga magacaagi ban ku qoree X2

Qalfoof ma tihide bal qiirooyo
Anoon ku qasbeyn wuxuun qiro X2

Sidaan u qabdhamay ishii i qabataa
Umay qamacdeen intay qososhee
Ilmada qulqushaa indhahaa qarqin lahayd X2

Dhaaxaan qarsadoo qoonki dadee
Wadnaha quusan waayay ba iqasbayee
Go’aana ma qaato kama qancee x2

Bogaad qandarasataad qadhqadhee
Qamuunyo ka baaji maanka qadra x2

Intaan idhi qowl qof nool danqi lahaa
Hadaan ku dulqubo qarfaha dhagaxyaal
Sidaan qabo wuu qushuuci lahaa X2

Qabso kalgaceylkoo waa qalin waad qalin daar
Qadad qab lahayd qab ba nacas iyo
Qof liitiyo waad la qaab noqotaa X2

Taan, taan qaayibay ma laab qumanee
Aan quudo jaceylku waa qarafee X2

Sidaan u qabdhamay ishii i qabataa
Umay qamacdeen intay qososhee
Ilmada qulqushaa indhahaa qarqin lahayd X2

Exit mobile version