Ma dhulkaan socdaa
Miyaan dhaafsanay
Ma dhabaa riyadu

Dhawaaqaan maqliyo
Dhalanteed jacayl
Miyaan kala dhex galay

Dhadhabay sidii
Dhalaan salalayoo
Wuxuu dhigi qof kale
Dhab u fiirsoo
Lama dhiidhiyee
Dhulka meel ka joog

Dhandhamaa cuntada
Dhuuni lagu marshaa
Hawaa laga dhargaa

Dhab waxay naftuna
Calmatoo dhadhama
Kolay dhuuni tahay

Kuma dhawran karo
Ha isu kay dhajine
Jacayl meel i gee

Exit mobile version