rugtii dhaqankiyo
rugtii dhaantada
dhanbaal iyo hees
amaan ku dhigeen
ha dheeliyine
dhisnow fiiqeey

inay dhagax-buur
dhul gobeed tahay
anoon dhaaya saarin
dhagtaan ka maqlee
shabeele dhulkay
nimcadada dheertay

shiniiliyo kala dheer
abaaro dhacoo
dhibicu kama qaado
dharaar kaliyee
caanaha ma ka dhaymay
xoolihii ku dhaqnaa

barwaaqo dhulkii
ILAAH dhigayow
bartii lagu dhaqay
kuwaan dhalashiyo
kolay dhaqan tahay
ii xigay dhhiiga ii xigay
ALLOW dhibaato
waxyeesha ka dhawr

jigjiga dhab ahaan
wataa dhisantee
ruuxii ku dhaqmiyo
ruuxii ku dhashaaa
nasiib wax heer
dhamaan noolaha

liibaan dhagaxiyo
dhadhaabaha ifayee
markaad dheehataa
dhabtii ifayoo
macdanta la isu dhaafaa
dhulka ku jirtee

taariikh dhiganbay
goor dheer dhaxashoo
wabiyo dhawraa
dhex qaada ad dheer

dhiilkii nimcadaa
qoraxay ku dhanoo
dhexdeeda shidaal
ALLAA dhigayoo
hablaha lagu dhaataa
qoraxaybay qabri daharbay ku dhasheen

hablaha dhaqanka le
qoroxaybay qabridaharbay ku dhasheen

Exit mobile version