suqraay waan ku doortoo
inta dumar mar xidhatiyo
intaa dunida joogtaba
duntaan adiga kugu xidhay
dayac kaagamaan tagin
dantu maalin kuma qaban
dibin daabyo iyo ceeb
dilmadana ka caagani
ana waad i deeqdoo
dadkaan kuugu jecelahay
dawadii naftaydaay
dookhaygii baad tahay

dunidaaba kala dhiman
dar allaay qabyo u tahay
dadaal oo kasii badi
dacar yaanay kugu noqon
dagalkaynu joognana
doog baa ku yaaloo
diri baa ku hooree
ku ducayso waligaa
ana waad i deeqdoo
dadkaan kugu jecelahay
dawadii naftaydaay
doookhaygii baad tahay

Exit mobile version