ka tan wayn darmaanyahay
caaashaqa aan tabayaa
maykal kii tabcada sudhay
shakisbiir tumaatiyay
amiirkhaan ku taagsaday

fanaankii wardina tumay
boobmaarli taash sudhay
ee teedhi ku habsaday
saalax baadiyana tigay
shaarubkhan tumaatiyay

ee titani laga jilay
taaladii jacaylkiye
taj maxaale laga dhisay

waanigan tabtoodii
taariikhda galayee
la isu kay tilmaamayee
igu taranye goormaad
iga tiirin caashaqa

Exit mobile version