Jacaylkan igu tuntee ani igu tuntee
Mudaba aan la taahaya
Marnaba aan ii tudhayn
Hantaaq iyo turunturiyo
Tukhaantukhuu igu hayaa

Hurdaduu iga toosiyaa
Tiriigbuu ii shidaa
Tooshbuu iigu kaa hayaa
Intaa wuu i kaa tusaa

Dhiiga ku talaalantoo
Qalbiga kaama tiri karee
ILAAHBA taajiroo
Qof taag daran toosiyee
Jacaylka tukubaha u qabo

Jacaylkan igu tarmee
Marnaba kaama tageen
Haduu kugu fakax tagee
Inaan kugu tiirsadiyo
Taageeraan kaa rabaa

Talaabo ma qaadi karo
Halkaad igaga tagtiyo
Bartiibaan taaganahoo
Wuxuunban tabanayaa

Exit mobile version