tubtii caashaqeeniyo
adaa weecishay taladii
kama tago agtaado
ma tirtiro kalgacalkee
waxan ahay qof kugu tolaan

ku tabto naftaydii
igu taran jacaylkii
i talaal wadnaha o
tiirleyda dhabarkiyo
igu tiix sidii roon

haween tii u sidataay
quruxdii taleexeey
ha ku tuban xidhiidhkii
baryo soo taxnaaye
u tanaasul caashaqa

caashaquu tudhaaliyo
tashi weeye laba ruux
dhidibada u taago
raxan nacab abuuriyo
tafaraaruq laga jiro

taxli waa socodkii
tukashada saladiyo
amintii timaadaba
rabi waxan ka tuuga
talo inan wadaagne

Exit mobile version