wiilkii aan jeclaayoow maxamed
waaxyahayga jiidhkiyo
walaalkay ka beermay
sadex igu walaahiya
aroskiina wacanoow
waqal hooray subaxiyo
mayay wadhay xareedii
wuu igala culus yahoo
farxad aad u waynbuu
wadnahayga galiyee
waan idiin ducaynee
nolol bilaa wadeecaa
oo wada nasteexa
oo wada naruura
ku wadaaga noloshoo
gobonimo ku aqal gala

xamdi waafi quruxeey
ana waaxda bidixeey
waad iila siman tahee
sadex igu walaahiya
arooskiinu wariseey
waagoo soo iftiimiyo
sagal nuurka weheshaday
wuu igala waynyoo
farxad aad u waynbuu
wadnahayga galiyee
waan idin ducaynee
nolol bilaa wadeeca
oo wada nasteexa
oo wada naruura
ku wadaaga noloshoo
gobonimo ku aal gala

Exit mobile version