xulashadii kalgacalkaay
xiisahan qalbiga dagay
adigay igu xeeraye
ha xumaynin
ha xujaynin caashaqa
xaragada talaabad a
xigto qurux u dhalataay
waan kugu xasilayoo
adigaa dad ii xiga
faadumo xurmo xilo janooy
dun xariir u mudaneey
xidigti jacaylkaay
waan kugu xamdiyayaa

xiskaygiyo garaadkiyo
xidida jidhkaygiyo
adaa dhiiga xulayoo
xubin xubin adaa u dagay
xuural cayntii dunidaay
xayndaabkii noloshaay
naftaa kugu xawilanoo
marna kuma xumayn karo
marwo xurmo xila janooy
dun xariir u mudaneey
xidigtii jacaylkaay
waan kugu xamdiyayaa

Exit mobile version