Garaadkiyo xiisahiyo
Inta loo xilay dareen
Xubigaaga dagayoo

Inta xaawalayee nool
Xilkas dumar karwaay
xikmad badan
Xariiyada gobaay
Iyo xilo ideeqdayee

Caashaqu xayaabiyo
Xiiso inoo ka weenyahay
Xaqiiqsaday warkiisee
Naftaydan u xeel dhigo

Qalbi kuu xaaranoo
Xijnaayay Xaqaagaa
Kugu xeeray sharafooo

Xigashada warkaagiyo
Weheshaday xusuus
Ku xasilay aktaadoo
Xalka Nolashu waa adi

Caashaqu xayaabiyo
Xiiso inoo ka weenyahay
Xaqiiqsaday warkiisee
Naftaydan u xeel dhigo

Exit mobile version