amaaleey ooridaydaay
idka intan ku noolahay
adaan kuu jecelahay
indhahaygu waxay arkaan
adiga weeyaanee
illaah waxaan ka baryayaa
abid kuma arkaan iblaysiyo
waxaan kuu axsaan falin
amaal inantaan jeclaayeey
aakhiro waxaan ka baryayaa
anigiyo adiga inaan ahaano
kuwuu eebo jecelyahoo
loo furo albaabada janada

ilwaad qurux ooridaydaay
afkayguna ma daayo
duco iyo amaantaadaba
caqligayguna ma dagana
adi la,aantaayee
amaal waxaa tahay lafdhabartii
jidhka adimadiisee
ifka nabad ku nooloow
amaal inantaan jeclaayeey
aakhiro waxaan ka baryayaa
anigiyo adiga inaan ahaano
kuwuu eebo jecelyahoo
loo furo albaabada

Exit mobile version